HomeWararWasaaradda Amniga oo shaacisay natiijada baaritaanka Qaraxii dowladda Hoose

Wasaaradda Amniga oo shaacisay natiijada baaritaanka Qaraxii dowladda Hoose

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayso warbixin baariseed hor dhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga  ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa  Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:- Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah […]

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayso warbixin baariseed hor dhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga  ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa  Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:-

Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.

- Advertisement -

Dowladda Soomaliya ayaa cadaynaysa falkaasi in uu ahaa  dhibato loogeestay Shacabka Soomaliyeed.

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga  ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.

Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay.

- Advertisement -

Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada.

Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso  ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay  dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh .

DHAMAAD

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories