HomeWararStadium Banaadir oo loogu magac daray Eng. Yariisow

Stadium Banaadir oo loogu magac daray Eng. Yariisow

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Somalia iyo boqolaal shacab ah ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee Banaadir waxa ay kaga qeyb galeen isu sooba, loogu duceynayay allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir En. Yariisow. Waxaa halkaas khudbad ka jeediyay guddigii gurmadka ee loo xilsaaray la socoshada xaaladda caafimaad ee dalkii ku wax yeeloobay qaraxii la […]

- Advertisement -

Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Somalia iyo boqolaal shacab ah ayaa maanta garoonka kubadda cagta ee Banaadir waxa ay kaga qeyb galeen isu sooba, loogu duceynayay allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir En. Yariisow.

Waxaa halkaas khudbad ka jeediyay guddigii gurmadka ee loo xilsaaray la socoshada xaaladda caafimaad ee dalkii ku wax yeeloobay qaraxii la dhacah xarunta maamulka gobolka iyaga oo ka sheekeeyay xaladda kuwa dhawac qaba iyo gurmadyadii ay sameeyesn unaahadceliyah dowladda Qatar.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadxa fedraalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo Guddoomiyaba golaha aqalka sare iyo Ra’isul-wasaaraha ayaa khudbado kookoobam ka jeediyay munaasabadda ducada aheyd.

Dhinaca kalana waxaa magacii laga bedelay garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo loogu magac daray allaha u naxariistee guddomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho En. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo u geeriyoodag dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax ka dhacay Xafiiskiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium loogu magac daray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow maadaama uu naftiisa u huray Dalka ,qof kasta oo Halyeey ah oo Dalkaan wax kusoo kordhiya sidaas loo xasuusanayo

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories