HomeWararMidowga Europe oo Somalia ugu deeqday Dhaqaale wax looga qabanayo Abaaraha

Midowga Europe oo Somalia ugu deeqday Dhaqaale wax looga qabanayo Abaaraha

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Golaha Europe ayaa shaaca ka qaaday inay 50 million oo Euro oo dheeraad ah ugu deeqayso dadka Beeraleyda iyo Xoolaleyda ee ay Abaarta ku hayso dhowr dal oo ku yaalla  Geeska Afrika. Madaxa Kaalmadda Aadminimadda iyo Maareynta Xiisadaha ee Midowga Europe, Christos Stylianides oo u dhashay Jesiiradda Qubrus ayaa sheegay inay EU-da ku tallaabsanayso Taageeridda dadka ay […]

- Advertisement -

Golaha Europe ayaa shaaca ka qaaday inay 50 million oo Euro oo dheeraad ah ugu deeqayso dadka Beeraleyda iyo Xoolaleyda ee ay Abaarta ku hayso dhowr dal oo ku yaalla  Geeska Afrika.

Madaxa Kaalmadda Aadminimadda iyo Maareynta Xiisadaha ee Midowga Europe, Christos Stylianides oo u dhashay Jesiiradda Qubrus ayaa sheegay inay EU-da ku tallaabsanayso Taageeridda dadka ay waxyeelladu ka soo gaaray Abaaraha ku dhuftay Geeska Afrika.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inuu dhowr jeer soo booqday dalalka ku yaalla Gobalka, isla markaana uu ku soo saaray sida ay Cimilada u waxyeeleysay Geeska Afrika.

Madaxa Kaalmadda Aadminimadda iyo Maareynta Xiisadaha ee Midowga Europe waxa uu intaasi ku daray inay Kaalmadda ay bixinayaan inay kordhin doonto Taageeradda Aadminimo ee Deegaanadda ay Abaartu waxyeeleysay, isla markaana ay Bulshooyinka ka taageeri doonto khatarta Macluusha.

Xirmadda Kaalmadda Cusub ee EU-da oo dhan 50 million oo EURO waxaa lagu taageeri doonaa dadka ay Abaartu saamaysay ee ku nool dalalka Somalia, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

- Advertisement -

Deeqdaasi waxay dalalkaasi u kala heleen sidatan: Somalia 25 million oo Euro, Ethiopia 20 million oo EURO, Kenya 3 million oo EURO iyo Uganda 2 million oo EURO.

Lacagahaasi kaalmadda waxay si toos ah loogu caawini doonaa Kaalmadda Cuntadda degdegga, Taageerida baahida cuntada, Adeegyadda Asaasiga ee Caafimaadka iyo daaweynta carruurta ay nafaqa-darada hayso ee da’doodu ka hooseyso 5-jirka, Haweeenka Uurka leh iyo Hooyooynka naaska nuujiya carruurta iyo Nolosha Qoysaska.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo la soo dhigay Barta EU-da ayaa lagu sheegay in Deeqdan cusub ee dheeraadka ay ka dhigayso Dhaqaalaha Guud ee ay EU-da ku bixiyeen Gargaarka Aadminimadda ee Geeska Afrika ilaa 366.5 million oo EURO tan iyo sannadkii hore ee 2018-ka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories