HomeWararHoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya oo lagu eedeeyey inuu u adeegayo Danaha Xisbiga...

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya oo lagu eedeeyey inuu u adeegayo Danaha Xisbiga haya Talada dalkaas

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo Hoggaamiyaha kale ee  xubnaha laga tirada yar ee Barlamaanka, John Mbadi waxay shalay gudbiyeen Mooshin ku adaan Muranka Xuduud-baddeedka ee ay Kenya ku sheeganayo qeybo ka mid ah Badda Somalia. Moosshinkaasi ayaa lagu muujiyey inay Dowladda Kenya ka doonayso Barlamaanka inay ansixiyaan Mooshin horseedi karta in Ciiddamo loo […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo Hoggaamiyaha kale ee  xubnaha laga tirada yar ee Barlamaanka, John Mbadi waxay shalay gudbiyeen Mooshin ku adaan Muranka Xuduud-baddeedka ee ay Kenya ku sheeganayo qeybo ka mid ah Badda Somalia.

Moosshinkaasi ayaa lagu muujiyey inay Dowladda Kenya ka doonayso Barlamaanka inay ansixiyaan Mooshin horseedi karta in Ciiddamo loo diro xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, si ay u ilaaliyaan danaha dalkooda.

- Advertisement -

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Kenya oo la hadlay Idaacadda Capital FM ee magaalladda Nairobi waxa uu sheegay inuu Aadan Barre Ducaale uu Barlamaanka ku matalo Danaha Xisbiga haya Talada dalka iyo Xukuumadda nafsad ahaanteeda.

Xildhibaankaasi waxa uu tilmaamay inay Mooshinka uu Aadan Barre soo gudbiyey loo arko Mooshin ku salaysan Ajendaha Xukuumadda Kenya, isla markaana ay iska cadahay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka doonayo Barlamaanka inay u ansxiyaan si Ciiddamo loo geeyo Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Mooshinka haatan hor yaalla Barlamaanka Kenya ayaa u muuqda mid lagu doonayo in looga hor tago Kulanka ay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ ka yeelan doonto Kiiska Dacwadda ee la xiriira Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso, kaasi oo ku cabir masaafo dhan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.

- Advertisement -

Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ waxay dhegeysiga Garnaqsiga Dacwadaasi bilaabi doonta bisha soo socota ee September 9-da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories