HomeWararFaah-faahin dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Sh/hoose

Faah-faahin dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Sh/hoose

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah waxa ay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada milatariga dowladda fedraalka Soomaaliya. Dagaalka oo socday ku dhawaad 30-daqiiqo aya la sheegay in uu markii dambe joogsaday,iyada oo wararka qaarna ay tilmaamayaan in […]

- Advertisement -

Dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah waxa ay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada milatariga dowladda fedraalka Soomaaliya.

Dagaalka oo socday ku dhawaad 30-daqiiqo aya la sheegay in uu markii dambe joogsaday,iyada oo wararka qaarna ay tilmaamayaan in Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada hase’ahaatee markiidambe laga saaray.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa tilmamaay in mar qura ay maqleen saqdii dhexe rasaas xoogan oo ka dhaceysa gudaha magaalada isla markaana ay dareemeen cabsi.

Ciidamada dowladda ayaa Al-shabaab kala wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo in mudda ah ay maamulayeen waxaana ay ka mid aheyd degmooyinka istaraatiijiga ah ee Alshabaab ku xooganaayeen.

Dhinaca kalana war lagu daabacay wakaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladdu ay dileen 4 ka tirsan Al-shabaabkii weerarka ku soo qaaday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories