HomeWararDhageyso:- Amar Culus oo la dhul-dhigay shacabka Magaalada Baydhabo

Dhageyso:- Amar Culus oo la dhul-dhigay shacabka Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Shir jiraa’iid oo magaalada Baydhabo ay ku qabteen Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha mamulka Koonfur-galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed iyo guddoomiye ku xigeenka Baydhabo Aadan Carab amar Wasaaraddu ay ku soo rogtay shacabka Baydhabo inta lagu guda jiro maalmaha ciidul-adxa. Wasiirka xanaanada Xoolaha Mukhtaar Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu qali karin Xoolo […]

- Advertisement -

Shir jiraa’iid oo magaalada Baydhabo ay ku qabteen Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha mamulka Koonfur-galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed iyo guddoomiye ku xigeenka Baydhabo Aadan Carab amar Wasaaraddu ay ku soo rogtay shacabka Baydhabo inta lagu guda jiro maalmaha ciidul-adxa.

Wasiirka xanaanada Xoolaha Mukhtaar Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu qali karin Xoolo aan soo marin baaritaanka caafimaad ee wasaaradda si loo ilaaliyo caafimaad qabka dadka.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay sida uu yahay ay u fulin doonaan amarka ka soobaxay wasaaradda xanaanada Xoolaha maamulka Konfur galbeed shacabkana looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka magaalada.

Ugu dambeyntii Mukhtaar axamed Guuleed Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha Konfur-galbeed ayaa shaaciyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo cidii aan qaadan amarkan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Wasiirka

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories