HomeWararNidaamka Lacag-bixinta Ciidanka DFS oo wax ka bedeshay Xaalladda Askarta

Nidaamka Lacag-bixinta Ciidanka DFS oo wax ka bedeshay Xaalladda Askarta

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Tan iyo markii ay Somalia ka bilaabantay Mashruuca isticmaalka hubinta ee Biometric iyo Aqoonsiga Dijitalka waxaa fududaatay qaabka ay Ciiddanka ku helaan Mushaarkooda, iyagoo si toos ah Lacag-bixinta Bangiyadda si toos ah ugu dhacdo Ciiddanka. Dadaal kale ayaa socda o ola doonaya in Mashruucaasi lagu ballaariyo, lana gaarsiiyo Maleeshiyaadka Isbahaysiga la ah Milliteriga Qaranka. Wakaalladda […]

- Advertisement -

Tan iyo markii ay Somalia ka bilaabantay Mashruuca isticmaalka hubinta ee Biometric iyo Aqoonsiga Dijitalka waxaa fududaatay qaabka ay Ciiddanka ku helaan Mushaarkooda, iyagoo si toos ah Lacag-bixinta Bangiyadda si toos ah ugu dhacdo Ciiddanka.

Dadaal kale ayaa socda o ola doonaya in Mashruucaasi lagu ballaariyo, lana gaarsiiyo Maleeshiyaadka Isbahaysiga la ah Milliteriga Qaranka.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegtay inay DFS haatan diiwaan-gelinayso Dagaalamayaasha ka yimid Maleeshiyadda Isbahaysiga iyo ciiddanka dhaawacmay iyo kuwa Hawlgabka noqday.

Nidaamka Farta iyo Isha ee lagu qaaday Iskaanka Biometric ayaa lagu kaydiyaa dhamaan Macluumaadka Ciiddanka, waxaana lagu hubiyaa inay Mushaarkooda si toos ah uga helaan Xisaab-lacageedka Bangiyadda, waxaana laga gudbay Nidaamkii uu Taliye ama shaqsi kale u dhexeyn jirey Lacag-bixinta Ciiddanka.

Sida laga soo xigtay Wargeyska Strategy Page Taliyayaashii lagu helay Dembiyadda Lacagaha la musuqmaasay ee Ciiddamadda laguma soo oogin dacwad, balse, qaar ka mid ah ayaa shaqdooda ku waayey is-daba-marinta Lacagihii Ciiddamadda.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Maleeshiyooyinka waxay oggolaadeen in Dagaalamayaashooda ee la helo Nidaamkooda Biometric in laga saari doono Nidaamka Lacag-bixinta ciiddamadda.

Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay abuurtay Nidaamka Asaasiga ee Aqoonsiga Shaqsiyadeed ee  (ID System), taasi oo ay ka taageerayso Hay’adda Dowladda Pakistan ee Xogta Qaranka iyo Diiwaan-gelinta ee NADRA.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories