HomeWararMusharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland oo shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada

Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland oo shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dowlad Gooleedka Jubbaland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxtinimada maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo. Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn Guddiga Doorashooyinka ee haatan shaqeynaya,isla markaana Codsaday in isbedel lagu sameeyo Guddiga,lana magacaabo Guddi Cusub. Waxaa kaloo ay […]

- Advertisement -

Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dowlad Gooleedka Jubbaland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxtinimada maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn Guddiga Doorashooyinka ee haatan shaqeynaya,isla markaana Codsaday in isbedel lagu sameeyo Guddiga,lana magacaabo Guddi Cusub.

- Advertisement -

Waxaa kaloo ay Codsadeen Musharaxiinta in Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan Doorashada.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa shalay kulan la qaatay Guddi ka socday Urur Goboleedka IGAD ee ku sugan Magaalada Kismaayo,kuwaasi oo halkaas u joogay u kuurgalida hannaanka doorashooyinka Jubbaland.

Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland.

- Advertisement -

 

  1. In la kala diro guddi ku sheega doorashada Jubbaland.
  2. In la magacaabo guddi doorasho oo cusub
  3. In odayaasha dhaqanka rasmiga ah oo kaliya ay xildhibaanada so xulaaan
  4. In halkii boos hal magac oo kaliya uu odey dhaqameedku soo gudbiyo
  5. In doorashada lagu qabto goob dhex-dhexad ah sida Xerada UN-ka
  6. In ay AMISOM ay ilaaliso amniga doorashada iyo kan musharixiinta
  7. In Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan doorashada.
  8. In warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxaligaba ah ay doorashada si toos ah u tabiyaan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories