HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Sacuudiga

Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay Sacuudiga

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta Hargeysa ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta Hargeysa ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, iyada oo ay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay dalka Sucuudigu usoo direen.

- Advertisement -

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xiriirka qotoda dheer ee labada dhinac u dhexeeya.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo  la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha,Cali Maxamed Waran-cadde.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories