HomeWararFrancisco Madeira “Al-shabaab waxay doonayaan inay noqdan Awood Siyaasadeed”

Francisco Madeira “Al-shabaab waxay doonayaan inay noqdan Awood Siyaasadeed”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo uu kaga hadlay Alshabaab iyo Kaalinta Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM. Ambassador Francisco Madeira oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Mosambiik waxa uu […]

- Advertisement -

Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo uu kaga hadlay Alshabaab iyo Kaalinta Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Ambassador Francisco Madeira oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Mosambiik waxa uu tilmaamay inay Dagaalamayaasha Alshabaab adeegsadaan Taatikadda Dagaalka Jabhadaynta, isla markaana aysan awoodin inay Ciiddanka AMISOM weji-ka-weji ula dagaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab doonayaan inay noqdaan Awood Siyaasadeed, iyagoo adeegsanaya Islaamka oo uu xusay inay tahay Diin wanaagsan oo Nabadeed.

Dhinaca kale, Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu ka hadlay doorka Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna bogaadiyey waxa uu ugu yeeray Istaraatijiyadooda Dagaal ee La-dagaalanka Alshabaab

Waxa kale oo uu sheegay inay Ciiddanka Kenya dhabo muhiim ah u fureen dadka iyo xamuulkooda, oo uu ugala jeeday Furitaanka Waddooyinka isku xira Degmooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee Goballadda Jubbooyinka, una dhow xuduudka Kenya.

- Advertisement -

Ciiddanka Kenya ee Somalia soo galay bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxay khasaarihii ugu darnaa ka soo gaaray Weerarkii cuslaa ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ee sanadkii 2016-kii ku qaadeen Saldhigii ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, halkaasi oo lagu dilay boqolaal Askar Kenyan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ilaa haatan ma aysan shaacinin tirada rasmiga ee Ciiddankii looga dilay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde .

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories