HomeWararFaah Faahin:-Dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Faah Faahin:-Dil ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada. Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada.

Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka xili uu halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Meydka Marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa,waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay kun darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tegeen goobta falka ka dhacay,kuwaasi oo sameeyay baaritaano kooban oo ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan.

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Cabdalla Shisheeye ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories