HomeWararEthiopia oo lagu xiray dad qorsheynayey inay xabsiga ka sii daayaan Madaxweynihii...

Ethiopia oo lagu xiray dad qorsheynayey inay xabsiga ka sii daayaan Madaxweynihii hore ee  DDSI

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Boliska Ethiopia ayaa la sheegay inay dad u xireen Isku-day lagu doonayey inuu Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga Qaaliti ee ku yaalla magaalladda Addis Abeba. Wargeyksa The Reporter ee ka soo baxay Ethiopia ayaa qoray in bishan August 5-dii la xiray dad  doonayey inay Cabdi Mxaamuud Cumar xoog ku […]

- Advertisement -

Boliska Ethiopia ayaa la sheegay inay dad u xireen Isku-day lagu doonayey inuu Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga Qaaliti ee ku yaalla magaalladda Addis Abeba.

Wargeyksa The Reporter ee ka soo baxay Ethiopia ayaa qoray in bishan August 5-dii la xiray dad  doonayey inay Cabdi Mxaamuud Cumar xoog ku sii daayaan, xilli isaga loo sii waday Maxkamadda.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka dad xireen, isla markaana ay qabteen hub aan cadadiisa la sheegin.

Madaxweynihii hore ee Is-maamulka  Soomaalida oo xilka laga tuuray bishii August ee sannadkii hore ee 2018-kii, iyadoo ay Ciiddanka Federalka xilligaasi ka soo qabteen magaalladda Jigjiga.

Dabayaaqadii bishii Janaayo ee sannadkan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ethiopia waxa uu sheegay inuu Xafiiskiisa soo gebagebeeyey Baaritaanadda dacwadda loo haystay Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tobaneeyo Saraakiil isaga la shaqeynaysay.

- Advertisement -

Wxaa lagu eedeyey Tacadiyo ka dhan ah Aadanaha iyo inuu amray in dad surka laga jaro.

Baaritaanadda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi oo socday muddo 5 bilood ah ayaa waxaa lagu sheegay in dacwado lagu soo oogay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo 40 Saraakiil oo weli baxsad ku jira.

Xeer-ilalainta waxat sheegeen inuu Cabdi Maxamuud Cumar iyo dad la eedeysan ay ka dambeeyeen dilkii 58 qof oo uu ku jiray Baadari lagu gubay Kaniisad  iyo dhawaaca 266 kale muddadii ay socdeen Colaadaha, iyo inuu Cabdi maxamuud Cumar dhiiri-geliyey qalalaasihii ka dhacay Jigjiga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories