HomeMaqalDhageyso:-Howlgal dad badan lagu qabtay oo laga sameeyay Jubbada Hoose

Dhageyso:-Howlgal dad badan lagu qabtay oo laga sameeyay Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ee ka howlgala Degmada  Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka sameeyay gudaha degmada iyo duleedkeeda. Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa ay Ciidamada kusoo qabteen dad badan oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab sida uu sheegay Taliska Ciidanka Afmadow. Taliyaha […]

- Advertisement -

Ciidamada amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ee ka howlgala Degmada  Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka sameeyay gudaha degmada iyo duleedkeeda.

Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa ay Ciidamada kusoo qabteen dad badan oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab sida uu sheegay Taliska Ciidanka Afmadow.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose Mahad Maxamed Islaam oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ka sameeyeen gudaha degmadaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Sidoo kale Taliyaha Mahad ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab,isla markaana laamaha amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwan dadkaas.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Darawaashiinta Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa Bulshada kunool degmdaas ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga ayna soo gudbiya dadka ay ka shakiyaan iyo waxkasto oo amniga lid ku ah.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Afmadow.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories