HomeWararWeerar mar kale lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Somaliland

Weerar mar kale lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Somaliland

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wararka naga soo gaaray Magaaladada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tiran maamulka Somaliland iyo rag hubeysan. Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ragga hubeysnaa ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Magaalada Laascaanood ay ku leeyihiin in Ciidamada Booliska Somaliland,waxaana intaasi […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaray Magaaladada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tiran maamulka Somaliland iyo rag hubeysan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ragga hubeysnaa ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Magaalada Laascaanood ay ku leeyihiin in Ciidamada Booliska Somaliland,waxaana intaasi kadib digay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dadka deegaanka Laascaanood ayaa sheegay in xalay ay malayeen jugta rasaas ay isdhaafsanayeen Ciidamada Somaliland iyo rag hubeysan oo weli la aqoosan waxay ahaayeen,hayeeshee markii dambe uu dagaalka istaagay.

Weli lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaaladada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan falkaas.

Waa habeenkii labaad oo sidan oo kale weerar loogu soo qaado Saldhiga Ciidanka Booliska ee maamulka Somaliland ku leeyihiin halkaas,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in weeraradan ay ka dambeeyaan jabhadda uu hogaaminayo Col. Faysal Falaalug,kuwaasi oo ka horjeeda Somaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories