HomeWararTaliye ka tirsanaa Boliska Federalka Ethiopia oo lagu dilay Addis Abeba

Taliye ka tirsanaa Boliska Federalka Ethiopia oo lagu dilay Addis Abeba

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Labo Sarkaal Bolis oo uu ku jiray Taliye ayaa la soo weriyey in lagu dilay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Tiro-koobka ama Istaatistikada Ethiopia ee magaalladda Addis Abeba. Toogashadaasi oo dhacday duhurnimadii shalay weli kama aysan hadlin Dowladda Ethiopia, balse, Ilo-wareedyo dhanka Baraha Bulshadda ayaa sheegay inuu Ciiddankaasi soo kala dhex galay muran aan la sheegin […]

- Advertisement -

Labo Sarkaal Bolis oo uu ku jiray Taliye ayaa la soo weriyey in lagu dilay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Tiro-koobka ama Istaatistikada Ethiopia ee magaalladda Addis Abeba.

Toogashadaasi oo dhacday duhurnimadii shalay weli kama aysan hadlin Dowladda Ethiopia, balse, Ilo-wareedyo dhanka Baraha Bulshadda ayaa sheegay inuu Ciiddankaasi soo kala dhex galay muran aan la sheegin waxa uu ku salaysnaa.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Ciiddanka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay saaxiibadiisa oo uu ku jiray Taliyihiisa.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in la xiray, kaasi oo ilaalo ka hayey Albaabka weyn ee laga soo galo Xarunta uu Waardiyaha ka ahaa.

Saxafi lagu magacaabo Dawit Endashaw oo u shaqeeya Shabakadda Wararka ee  The Ethiopian Reporter waxa uu boggiisa Khaaska ee  Facebook-ga ku soo qoray in Taliska Boliska Federalka iyo Goobjooge sheegeen in Sarkaal ka tirsan Boliska Federalka iyo Taliyihiisa uu toogasho ku dilay Askari abaarihii 12-kii Duhurnimo ee shalay oo Isniin ahayd.

- Advertisement -

Taliyaha la dilay ayaa la sheegay inuu Askariga u sheegay in loo bedelo Bar kale, taasi oo uu Askarigii dood ka keenay, isla markaana uu dilay Taliyihii iyo Sarkaalkii kale ee la socday.

Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Dowladda Ethiopia ma aysan soo werinin toogashadda lagu dilay Taliye iyo Sarkaal kale oo ka wada tirsanaa Boliska Federalka ee dalkaasi.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories