HomeWararSawirro:-Wakiilka IGAD iyo Xildhibaanada DFS ee laga soo doortay Jubbaland oo kulan...

Sawirro:-Wakiilka IGAD iyo Xildhibaanada DFS ee laga soo doortay Jubbaland oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland u jooga si ay ugu kuur galaan habsami u socdka doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland. Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan […]

- Advertisement -

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland u jooga si ay ugu kuur galaan habsami u socdka doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland.

Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan ka dhagaystay aragtidooda la xiriira sidii ay Jubbaland uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo dhamaan dadka ree Jubbaland ay ku qanacsan yihiin iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka u dagsan Jubbaland.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida ilaa hada howlahu ay u socdaan isla markana gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugayo in si habsami leh ay doorashooyinku ku dhacaan.

Waxaa xildhibaanadu ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin sida indho la’aanta ah ee Dowlada Federaalku iskugu dayayso in ay fara galiso hanaanka doorashooyinka Jubbaland taas oo wixii ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadayso Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG  u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories