HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Hay'adda WFP

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda WFP

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo. Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal. Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal.

- Advertisement -

Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay’adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaaliya, gaar ahaan Puntland Mr. Cesar Arroyo oo dhowaan la soo magacaabay.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa ku amaanay WFP shaqada balaaran ee ay ka hayaan dalka, waxaana uu ku booriyey inay halkaasi kasii ambaqadaan oo sii laba jibaaraan shaqooyinka lixaad ka leh ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaan dalka oo dhan.

- Advertisement -

Madaxa Hay’adda WFP Mr. Cesar Arroyo ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinaayeyba kulanka, waxa uu balanqaaday inuu si daacad ah u gudandoono waajibaadkiisa shaqo.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories