HomeWararSaldhiga xoreynta Jubbada Dhexe oo laga furayo Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

Saldhiga xoreynta Jubbada Dhexe oo laga furayo Degmo ka tirsan Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka ee Gedo ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) iyo xubno uu […]

- Advertisement -

Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka ee Gedo ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray halkaasi sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo saldhig laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta Al-shabaab.

- Advertisement -

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi Baardheere Maamulka degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

“Aniga booaqaashadeyda waxaa uu qeyb ka yahay dardargelinta howlgalada socda,qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhigweyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkii Ashabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Gobada Dhexe”. Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali(Sanka)

Goblada Jubooyinka iyo Gedo waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah Shabaab loogana xoreynayo deegaanadaasi,si lamid ah howlgalada ka socda gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories