HomeWararQeylo-dhaan ka soo yeertay Kalluumaysto Shisheeye oo ku xayiran Xeebaha Soomaaliya

Qeylo-dhaan ka soo yeertay Kalluumaysto Shisheeye oo ku xayiran Xeebaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xaalladda ay ku sugan yihiin Koox Kalluumeysto u dhalatay dalka Thailand oo la socota Dooni Kalluumaysi oo ku sugan meel ka baxsan Xeebaha Somalia ayaa waxay abuurtay Dareen, kadib, markii ay Qoysaskooda ka codsadeen Dowladda dalkaasi in la dardar geliyo sidii Wiilashooda dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo. Dareenka kalluumeysatadaasi ayaa sare u kacday, […]

- Advertisement -

Xaalladda ay ku sugan yihiin Koox Kalluumeysto u dhalatay dalka Thailand oo la socota Dooni Kalluumaysi oo ku sugan meel ka baxsan Xeebaha Somalia ayaa waxay abuurtay Dareen, kadib, markii ay Qoysaskooda ka codsadeen Dowladda dalkaasi in la dardar geliyo sidii Wiilashooda dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

Dareenka kalluumeysatadaasi ayaa sare u kacday, kadib ,markii mid ka mid ah iyaga uu Wicitaan Muuqala (A Video Call) kula xiriiray mid ka mid ah saaxiibadiisa oo ku nool Thailand, una sheegay inay ku dul xayiran yihiin Doonida “Waddani 1”, isla markaana ay gabaabsi ka tahay cuntada iyo biyaha la cabo.

- Advertisement -

Kalluumeysatada u dhalatay Thailand  waxay sheegeen in hal mar oo keliya la siiyey mushaarkooda muddo 8-dii bilood oo ay u shaqeynayeen Shirkadda leh Doonida Waddani 1, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Shaqaalahaasi oo la sheegay inay Qandaraas 2 sanno ah la galeen Muwaadiniin u kala dhalatay Iiraan iyo Thailand bishii October ee sannadkii hore.

Balse, markii ay dhowr bilood ka shaqeynayeen Badda  Iiraan ayaa waxaa Doonidii ay la socdeen iibsaday Muwaadin Soomaali, iyagoo u soo jiheystay Badda Somalia o o ay ka hawl bilaabeen.

- Advertisement -

Cadaadisyo ka kala yimid Dhowr Hay’addo Dowladeed  ayaa waxay wararku sheegayaan inay Shirkadda dib u bilowday  inay Shaqaalaha Doonida u geeyaan  cunto iyo biyo.

Waxaa la sheegay inay socdaan dadaalo lagu diyaarinayo sidii ay Kalluumeysatada dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo.

Nithiwat Thiranantakul oo ah Milkiile u dhashay Thailand oo haatan doorka La-taliye u ah Milkiilaha cusub ee Soomaaliga ayaa sheegay inay arrimo farsamo ku dhaceen inay Kalluumeysatadaasi ka cowdaan inuu ku yaraaday Raashinka iyo Biyaha.

Kalluumeystadaasi ayaa la hadal-hayaa inay goor dhow dib ugu laaban doonaan dalkooda hooyo, balse, Maamulayaasha Thailand ayaa la rajeynayaa inay xaqiijiyaan inaysan weli dhamaan shaqooyinkooda, iyo in lagu baraarugsanaado baahida loo qabo in iyaga la soo badbaadiyo.

Dhinaca kale, Kalluumeysato u dhalatay dalkaasi ayaa iyagana shaqaale ka ah doonyo kale oo ay ku jirto Doonida Waddani 2 oo hal shirkad wada leh labada dooni ee Waddani 1 iyo Waddani 2.

Kalluumeystadda Thailand ee ka shaqeysta Badda Shisheeyaha waxay qaarkooda ka shaqeeyaan meelaha khatarta iyo qeybaha aanu sharcigu ka jirin ee Caalamka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories