HomeWararMareykanka oo War kasoo saaray Doorashooyinka Jubbaland iyo tan Heerka Qaran

Mareykanka oo War kasoo saaray Doorashooyinka Jubbaland iyo tan Heerka Qaran

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Moroan Oragus, laguna soo daabacay  Shabakadda Wararka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee www.state.gov  ayaa waxaa lagu faahfaahiyey Socdaalka uu Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale shalay ku yimid magaalladda Muqdisho iyo Kulamadii uu la yeeshay Madaxda DFS iyo […]

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Moroan Oragus, laguna soo daabacay  Shabakadda Wararka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee www.state.gov  ayaa waxaa lagu faahfaahiyey Socdaalka uu Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale shalay ku yimid magaalladda Muqdisho iyo Kulamadii uu la yeeshay Madaxda DFS iyo kuwa QM.

Warbixinta ka soo baxday Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa uu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay magaalladda Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaqiijiyey sida ay Dowladda Maraykanka uga go’an tahay inay Somalia ka taageeraan Isbedelka Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha iyo dadaalladda Xasilinta ee Somalia.

Ra’isul-wasaare Kheyre waxa uu David Hale warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeeyey ee dhinacyadda Siyassadda iyo Nabadda Somalia iyo dadaalka Shirarka ee Xaalladaha Deyn Cafinta Somalia, si loo bilaabo inin Somalia loo oggolaado inay Amaah ka qaadan karaan Hay’addaha Maaliyadda ee Caalamka.

Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa kale oo uu ka hadlay Rajada Dowladda Maraykanka ee ku aadan inay Doorasho lagu kalsoon karo oo Nabad leh ka dhici doonta  Dowlad-gobaleedka Jubbaland dabayaaqadda bishan August.

- Advertisement -

Waxa kale oo dhiiri-geliyey Horumarka Geeddi-socodka ee horseedi karta inay Doorasho Hal qof iyo Hal Cod (one-personand one-vote ) ee Doorashadda Qaranka ee Somalia ka dhici doonta bartamaha sannadka soo socda ee 2020-ka.

Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Moroan Oragus waxaa lagu muujiyey inay David Hale iyo Xasan Cali Kheyre isku raaceen qiimaha Hawlgalladda Ammaanka ee lagula wareegayo Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan iyo U-diyaar-garowga Ciiddanka Somalia si ay Ciiddanka AMISOM ugala wareegaan Hawlaha Nabadda iyo Deganaanshaha guud ahaan Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories