HomeWararDiplomaasi Sare oo Maraykan oo socdaal ku maraya dalal ay Somalia ka...

Diplomaasi Sare oo Maraykan oo socdaal ku maraya dalal ay Somalia ka mid tahay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa bishan 5-dii u bilaabantay socdaal uu ku marayo dalalka Somalia, Sudan iyo Kenya, si uu Madaxda dalalkaasi ugala xaajoodo xoojinta Xiriirka Maraykanka, Ammaanka, Horumarka iyo Iskaashiga Milliteriga. Kaaliyaha waxa uu shalay booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, […]

- Advertisement -

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa bishan 5-dii u bilaabantay socdaal uu ku marayo dalalka Somalia, Sudan iyo Kenya, si uu Madaxda dalalkaasi ugala xaajoodo xoojinta Xiriirka Maraykanka, Ammaanka, Horumarka iyo Iskaashiga Milliteriga.

Kaaliyaha waxa uu shalay booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, kana wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga Labada Waddan, La-dagaalanka Alshabaab iyo Hawlgalka AFRICOM iyo Kaalinta AMISOM ee Nabad-ilaalinta dalka.

- Advertisement -

Qoraal la soo dhigay BartaWaaxda Arrimaha Dibedda Mraaykanka ayaa lagu muujiyey inuu Kaaliyaha kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, iyo Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, James Swan oo ay ka wada hadleen Ajendayaasha la xiriira Hagaajinta Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha ee Somalia

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, si uu berrito uga qeyb galo Munaasbadda lagu xusayo Qarixii ay Ururka Alqaacida la beegsadeen dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Nairobi bishii August 7-dii ee sannadkii 1998-dii, oo ku began muddo haatan laga joogo 21-sanno.

Waxa kale oo la kulmi doona Madaxda Sare ee dalka Kenya oo ay ka wada hadli doonaa Xiriirka Labada Dal, Iskaashiga dhinacyadda Amniga iyo Dhaqaalaha.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wafdiga waxaa la filayaa inay berrito u dhoofaan dalka Suudaan, si uu Madaxda Golaha Milliteriga ee haya talada dalkaasi ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka kula kulmo magaalladda Khartoum.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories