HomeWararDFS oo Somaliland uga mahadcelisay soo dhaweynta Odayaal dhaqmeed Hargeyso gaaray

DFS oo Somaliland uga mahadcelisay soo dhaweynta Odayaal dhaqmeed Hargeyso gaaray

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee l Madaxweynaha Somaliland kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee l Madaxweynaha Somaliland kala soo wareegay 19-ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay.

- Advertisement -

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madaweynaha Somaliland ku ammaanay soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen i5n mawaadiniinta Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan dowrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Intii kulanku uu socday ayaa odayaahu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhallinyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xiran Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories