HomeWararCiidamo Uganda oo loo tababarayo si Al-shabaab ay kula dagaalamaan Badda

Ciidamo Uganda oo loo tababarayo si Al-shabaab ay kula dagaalamaan Badda

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Tababarayaal Milliteri oo ka socda dalka Britain ayaa waxay Ciiddanka Uganda u tababarayaan sida looga dul dagaalamo Doonyaha, iyadoo Ciiddamadaasi loo diyaarinayo inay ka qeyb galaan La-dagaalanka Alshabaab. 8 Khabiir Milliteri oo ka socda Ciiddanka Badda ee Boqortooyadda Britain ayaa waxay Ciiddankaasi tababaro ku siinayaan in ka badan hal bil Xeebta Harada Lake Victoria ee magaalladda Entebbe ee dalka […]

- Advertisement -

Tababarayaal Milliteri oo ka socda dalka Britain ayaa waxay Ciiddanka Uganda u tababarayaan sida looga dul dagaalamo Doonyaha, iyadoo Ciiddamadaasi loo diyaarinayo inay ka qeyb galaan La-dagaalanka Alshabaab.

8 Khabiir Milliteri oo ka socda Ciiddanka Badda ee Boqortooyadda Britain ayaa waxay Ciiddankaasi tababaro ku siinayaan in ka badan hal bil Xeebta Harada Lake Victoria ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda, maadaama uusan dalkaasi lahayn Bad.

- Advertisement -

Tababarkaasi oo Ciiddanka Uganda lala wadaago Khibradaha Dagaalka, qaabka loo isticmaalo Doonyaha, Hawlgalladda Ilaaladda Badda, ka shaqeynta Baraha lagu baaro Gaadiidka iyo sida looga hortago Doonyaha laga shakiyo.

Ciiddanka Uganda ee loo tababarayo Xirfadaha Ciiddanka Badda waxaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo Somalia, si ay u ilaaliyaan Badda ku hareeraysan Dekedda weyn ee magaalladda Muqdisho.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London waxa uu shalay Warbixin dheer ka qoray inay 17 Askar British oo qeyb ka ah Kooxda Khibradda leh ee Ciiddanka Dhulka ay Tababarkaasi diiradda ku saarayaan Casharadda dhanka Sirdoonka iyo sida loo difaaco Saldhigyadda Hawlgalladda ee Aagga Hore ee Dagaalka.

- Advertisement -

Ciiddanka Uganda ee loo tababarayo Hawlgalka AMISOM waxay markii hore Tababarkooda Khaaska ah ku soo qaateen Xero Milliteri oo ku taalla Deegaanka Singo ee Bartamaha dalkaasi, halkaasi oo ay in ka badan hal bil ku soo Tababarteen.

Mid ka mid ah Tababarayaasha Ciiddanka Badda ee Britain oo la hadlay Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay marka ay Ciiddanka tagaan Somalia, waxay Fariisin ka dhigan doonaan Badda iyo  inay suurtogal tahay inay dhulka u soo degaan iyo inay ka hawlgalaan Baraha lagu baaro Gaadiidka.

Tababarka Kooban ee Khubrada Britain siinayaan Ciiddanka Uganda waxaa isku soo duwday Kooxda British ee Taageeridaa Nabadda Afrika ee BPSTA (the British Peace Support Team (BPST) Africa,  oo ah koox ka kooban 26 qof oo isugu jira Ciiddan iyo dad rayid ah oo Fariisin Joogto ah ku leh dalalka Kenya, Ethiopia iyo Botswana.

Dhinaca kale, Tababarka ay Khubrada UK siinayaan Ciiddanka Uganda waxaa qeyb ka ah Badbaadinta Aadanaha, Arrimaha Jinsiga, La-macaamilka Dhibanayaasha la tahriibiyo, Addoonsiga iyo Tacadiyadda kale.

Si kastaba ha ahaatee, Uganda waxaa Somalia ka joogta ilaa 5,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee tiradooda guud dhan tahay  20,000 oo Askari.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories