HomeWararTaliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM oo gaaray Kismaayo iyo kulamo ka socda

Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM oo gaaray Kismaayo iyo kulamo ka socda

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Ticabu Yilma ee u dhashay dalka Itoobiya iyo Wafdi uu hogaaminayo. Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan,isagoona salaan sharaf […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Ticabu Yilma ee u dhashay dalka Itoobiya iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan,isagoona salaan sharaf ka qaatay.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Magaalada Kismaayo,iyagoona ka wada hadlaya arrimo kala duwa oo ay qeyb ka yihiin arrimaha amniga Doorashooyinka ka dhici doona halkaas.

Sidoo kale inta ku sugan yahay Kismaayo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma  ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Guddiga Doorashooyinka dowlad Jubbaland iyo Waxgaradka.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa iska kaashanaya sugida amniga Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories