HomeWararSawirro:-Kheyre oo Guddoomiyay Shirka Dardar-gelinta Qorsha Deyn Cafinta Dalka

Sawirro:-Kheyre oo Guddoomiyay Shirka Dardar-gelinta Qorsha Deyn Cafinta Dalka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka. Shirka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

- Advertisement -

Kulanka intii uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog laga siiyay heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha, waxaana aad loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruuda ku xiran wareega afaraad ee qorshaha daynta dalka looga cafinayo (SPM4), heshiiyada ay wada galeen dowladda iyo hey’adaha maaliyadda adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee baarlamaanka laga doonayo in ay meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradda maaliyadda, hey’adaha qaybta ka ah ka shaqeynta qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka daynta looga cafinayo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si guul looga gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SM2 iyo SMP3, waxaana dhammaan hey’adaha maaliyadda dunida iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya ay ammaaneen sida dowladda ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha deyn cafinta dalka oo heer aad u wanaagsan soo gaaray.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories