HomeWararMuwaadin Soomaali oo u tartami doona Xildhibaanimo oo ka digay Qalaaso

Muwaadin Soomaali oo u tartami doona Xildhibaanimo oo ka digay Qalaaso

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maxamed Cali oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain ayaa sheegay inuu u tartami doono Xildhibaanimadda Xisbiga  Muxaafidka UK ee magalladda Cardiff. Murashaxaasi oo haatan 35-jir ah waxa uu dalka Britain tegay isagoo 3-jir ah, kadib, markii ay isaga iyo qoyskiisa ka soo qaxeen colaadihii Sokeeye  ee Somalia. Waxa uu doonayaa haatan inuu Kursiga Xisbiga […]

- Advertisement -

Maxamed Cali oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain ayaa sheegay inuu u tartami doono Xildhibaanimadda Xisbiga  Muxaafidka UK ee magalladda Cardiff.

Murashaxaasi oo haatan 35-jir ah waxa uu dalka Britain tegay isagoo 3-jir ah, kadib, markii ay isaga iyo qoyskiisa ka soo qaxeen colaadihii Sokeeye  ee Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu doonayaa haatan inuu Kursiga Xisbiga Shaqaalaha kala wareego Haweeneyda lagu magacaabo Anna McMorrin oo Kursigaasi ku fadhiday tan iyo sannadkii 2017-kii.

Waxa uu u xusul-duubayaa inuu noqdo Xildhibaanka Xisbiga Muxaafidka ee Waqooyiga magaalladda Cardiff, waa isku-daygiisii ugu horreeyey ee uu ku noqon  lahaa Siyaasi rajo weyn leh.

Murashax Maxamed Cali waxa uu sheegay haddii loo doorto Xildhibaanimo inuu xushmeyn doono dhamaan rabitaanka dadka.

- Advertisement -

“Waxaan saddexdii sanno ee ugu dambeysay ka shaqeynayey La-dagaalanka Argagixisadda, waxaana soo arkay Tiro-koobka iyo Xogaha” ayuu yiri.

Murashaxa waxa kale oo uu sheegay inuusan u diyaarsanayn inuu arko dalka Britain oo madaxa la gala Qalalaase iyo in loo horseedo Dagaal sokeeye, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu og yhaay waxa uu dagaal yahay, maadaama uu ka soo qaxay Somalia.

Murashaxa oo weli saldhigiisu yahay magaalladda London waxa uu La-taliye ahaan ula shaqeeyaa Boliska La-dagaalanka Argagixisadda iyo Hawlaha Bulshadda la leeyihiin Boliska Dhexe ee London.

Sidoo kale, waxa uu weli yahay Maareeyaha Sare ee Xisaabaadka ee Shabakadda Caalamiga ee Xayeysiinta ee M & C Saatchi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories