HomeWararMuwaadin Soomaali oo loo fasaxay inuu ka shaqeysan karo Britain oo la...

Muwaadin Soomaali oo loo fasaxay inuu ka shaqeysan karo Britain oo la xukumay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Cabdi Mahad Osman ayaa la xiray isbuucyo kadib, markii loo ballan qaaday inuu ka shaqeyn karo dalkaasi oo uu muddo 5 sanno ah dagaal dhanka Sharciga ugu jiray sidii uu ku tegi lahaa dalkaasi. Eedeysanaha oo 31-jir ah ayaa waxaa haatan u bilabaantay Xabsi 5 sanno iyo 7 bilood, kadib, markii lagu helay inuu Sarkaal […]

- Advertisement -

Cabdi Mahad Osman ayaa la xiray isbuucyo kadib, markii loo ballan qaaday inuu ka shaqeyn karo dalkaasi oo uu muddo 5 sanno ah dagaal dhanka Sharciga ugu jiray sidii uu ku tegi lahaa dalkaasi.

Eedeysanaha oo 31-jir ah ayaa waxaa haatan u bilabaantay Xabsi 5 sanno iyo 7 bilood, kadib, markii lagu helay inuu Sarkaal dhar cad ah oo ka tirsan Boliska UK ka iibiyey noocyadda Daroogadda ee Kokaa’iinka iyo Herowiinka bishii August 31-dii ee sannadkii hore.

- Advertisement -

Cabdi Mahad Osman oo deggan Hamilton oo ka tirsan magaalladda Lester ayaa la sheegay inuu Sarkaalku bixiyey lacag dhan 15 Giniga Britain, taasi oo uu ku iibsaday hal garaam oo Daroogadda Kokaa’iinka.

Bishii September 7-dii ee sannadkii hore ayuu Sarkaalkii mar kale la soo xiriiray Cabdi Mahad Osman oo uu ka codsaday inuu ka iibiyo Daroogada, balse, la xiray xilligaasi.

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda la hor geyey Eedeysanaha waxaa loo gudbiyey faylasha 33 Eedeyn oo ku aadan dacwadaha loo haysto  iyo codad uu duubay Sarkaalkii uu ka iibin jirey Daroogadda.

- Advertisement -

Garsoore Robert Brown oo qaadayey dacwadda loo haysto Eedeysanaha waxa uu ku xukumay xabsi dhan 5 sanno iyo 7 bilood.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories