HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal  xalay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Al-shabaaba ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow oo ka tirsan deegaanka […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal  xalay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Al-shabaaba ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

- Advertisement -

Dagaalkaas ayaa la tilmaamay in uu socday muddo ku dhow hal saac ,isla markaana labada dhinca ay isdhaafsadeen rasaas xoogan,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay dareen Cabsi.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in dagaalkii xalay ka dhacay Tuulada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho uusan geysan  wax Khasaaro ah.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarkii Al-shabaab  ay ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories