HomeMaqalDhageyso:-C/raxmaan C/shakuur “Al-shabaab waxay ku milmeen Hay'adaha Amniga iyo Dakhliga Muqdisho”

Dhageyso:-C/raxmaan C/shakuur “Al-shabaab waxay ku milmeen Hay’adaha Amniga iyo Dakhliga Muqdisho”

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan siyaasad cad ka lahayn dagaalka Al-shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquushay duminta dowlad Goboleedyada dalka ka jira. Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan siyaasad cad ka lahayn dagaalka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquushay duminta dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay ku milmeen hay’addaha dowladda gaar ahaan kuwa Aamniga iyo hay’addaha Dakhliga.

C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Al-shabaab ay Canshuur ka qaataan qeybaha kala duwan ee Ganacsiga ay leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed iyo goobaha ay dowladda gacanta heysto oo ay ugu horreyso Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

“Al-shabaab waxay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Dakhliga muqdisho waxay canshuur ahaan uga helaan 20 illaa 30 Malyan,”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa su’aal iska weydiiyey in wada shaqeyn toos ah ay ka dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories