HomeWararDad ku dhintay Gaari Rakaab ah oo lagu Rasaaseeyay duleedka Balcad

Dad ku dhintay Gaari Rakaab ah oo lagu Rasaaseeyay duleedka Balcad

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta deegaan hoostaga degmadaas lagu rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ahaa. Koox hubeysan oo Burcad ah ayaa la sheegay inay wadada u gashay Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah,kaasi oo noociisu ahaa NOHA,waxaana falka […]

- Advertisement -

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta deegaan hoostaga degmadaas lagu rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ahaa.

Koox hubeysan oo Burcad ah ayaa la sheegay inay wadada u gashay Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah,kaasi oo noociisu ahaa NOHA,waxaana falka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Masal-Masaleey,isla markaana waxaa uu ka soo ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Balcad.

- Advertisement -

Dad ku sugan Degmada Balcad oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa gaarigaas,waxaana halkaas ku dhintay Darawalkii waday gaariga iyo sidoo kale gabar dhalinyaro aheyd oo dhiganeysay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho,iyadoona dhawaan difaacatay Buuga Jaamacada ay dhigan jirtay.

Sidoo kale waxaa halkaas ku dhaawacmay qof kamid ahaa dadkii gaariga la weeraray la socday,waxaana gurmad  u sameeyay dadka deegaanka Masal-Masaleey.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay uga hadlayaan dadkii Maanta lagu dilay duleedka degmadaas.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories