HomeWararCiidamo ka tirsan Itoobiya oo Qarax lagula eegtay Gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo Qarax lagula eegtay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa Maanta waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xili halkaas ay ku socdaal ku marayeen. Wararka aan ka heleyno deegaanka halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qaraxa lagula eegtay Ciidamada Itoobiya,waxaana uu ahaa miino nooca dhulka lagu […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa Maanta waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xili halkaas ay ku socdaal ku marayeen.

Wararka aan ka heleyno deegaanka halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qaraxa lagula eegtay Ciidamada Itoobiya,waxaana uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay qaraxaas,isla markaana soo gaaray Ciidamadii Itoobiya,kuwaasi oo socdaalayay.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyagoo xusay inay halkaas ku dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhowr waxaa Qaraxyo kala duwan lagula eegtay deegaanka halgan ee Gobolka Hiiraan,waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories