HomeWararWasiir ka tirsanaa Puntland oo ka badbaaday Qaraxii ka dhacay Boosaaso

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo ka badbaaday Qaraxii ka dhacay Boosaaso

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax xili […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax xili uu marayay laamiga weyn ee bartamaha Boosaaso.

- Advertisement -

Ugu yaraan hal Askari oo ka tirsan ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxa,kaasi oo saarnaa gaariga,mana jiro wax kale oo Khasaaraha uu geystay qaraxaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in gaariga xiliga uu qaraxa haleelay uu la socday Shire Xaaji Faarax,hayeeshee uu ka badbaaday qaraxaas.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso,kuwaasi oo xiray markii horey Nawaaxiga Hotelkii hore ee Ramaada, balse markii dambe dib u furay.

- Advertisement -

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca qaraxyo kala duwan,kuwaasi oo sababa Khasaarooyin kale duwan,waxaana Mas’uuliyadooda inta badan sheegta Al-shabaab.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories