HomeWararSomalia oo shaacisay Dowladaha ugu badan ee ka hesho Taageero Dhaqaale

Somalia oo shaacisay Dowladaha ugu badan ee ka hesho Taageero Dhaqaale

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

La-taliyaha Madaxweynaha DFS ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka ,  Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Wajiis” ayaa hadalkaasi ku sheegay Wraeysi uu dhawaan siiyey Wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Sacuudiga, wuxuuna ka hadlay Isbedelka Siyaasadda ee Mustaqbalka ay la imaanayso Istaraatijiyad cusub. Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga tahay Isbahaysiga ugu weyn ee Gobalka, isla markaana taageeradda ugu […]

- Advertisement -

La-taliyaha Madaxweynaha DFS ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka ,  Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Wajiis” ayaa hadalkaasi ku sheegay Wraeysi uu dhawaan siiyey Wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Sacuudiga, wuxuuna ka hadlay Isbedelka Siyaasadda ee Mustaqbalka ay la imaanayso Istaraatijiyad cusub.

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga tahay Isbahaysiga ugu weyn ee Gobalka, isla markaana taageeradda ugu badan la garab taagan Somalia.

- Advertisement -

La-taliyaha waxa uu xusay inay Sacuudiga ku soo eegayaan Somalia Indho Istraatijiyadeed iyo mid Walaaltinimo, isla markaana Aragti dheer xambaarsan.

Waxa uu intaasi ku daray inay dowladda Sacuudiga taageero ka geystaan sidii ay Badda Cas u noqon lahayd meel Ammaan iyo sidii Mandiqadda looga dhigi lahaa meel  aan loo soo xawilin Burbur iyo Deganaansho La’aan.

Sheekh Cali Wajiis waxa uu Wareysigiisa ku soo hadal-qaaday Khilaafka Khaliijka, wuxuuna xusay inuusan isbedelin Aragtida Sacuudiga ee Mustaqbalka Somalia, isla markaana ay Somalia is-garab taageen Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaan.

- Advertisement -

Waxa uu bidhaamiyey inay Dowladda Sacuudiga ku taageertay DFS lacag dhan 100 million oo Dollar sannadkii hore, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jirin Dowladaha kale oo Taageeradaasi oo kale u fidiyey Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu ku dheeraaday Taageeradda Joogtada ee  Dowladda Sacuudiga iyo dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan Deganaanshaha iyo Horumarka dalka Somalia.

La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka waxa kale oo uu sheegay inay Sacuudiga ballan qadaay dhismaha Garoonka  Diyaaradaha Caalamiga ee magaalladda Muqdisho iyo Saldhigyadda Milliteri ee Ciiddanka Qaranka Somalia.

Sheekh Cali Wajiis waxa kale oo uu Wareysigiisa ku soo hadal qaaday inay Dowladaha Sacuudiga, Britain iyo Maraykanka yihiin Dowladaha taageeradda rasmiga ee ugu badan siiya DFS, isagoo Iskaashiga Wdaajirka ee Somalia iyo Somalia ku sifeeyey Isbahaysiga mudaanta koowaad leh.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories