HomeWararShirkadda Uganda Airlines oo shaacisay Kharajka Duullimaadka Muqdisho iyo Kampala

Shirkadda Uganda Airlines oo shaacisay Kharajka Duullimaadka Muqdisho iyo Kampala

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines waxay si rasmi ahaan u sheegtay inay bishan August 28-da bilaabi doonaan Duullimaadkeeda Ganacsi oo ay isaga kala gooshi doonto magaallooyinka Kampala iyo Muqdisho. Shirkadda Uganda Airlines ayaa ku dhawaaqday Hawlgalkooda Duullimaadka maalmo kadib, markii ay Shahaadada ay ku hawli geli lahaayeen ka heleen Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Uganada oo […]

- Advertisement -

Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines waxay si rasmi ahaan u sheegtay inay bishan August 28-da bilaabi doonaan Duullimaadkeeda Ganacsi oo ay isaga kala gooshi doonto magaallooyinka Kampala iyo Muqdisho.

Shirkadda Uganda Airlines ayaa ku dhawaaqday Hawlgalkooda Duullimaadka maalmo kadib, markii ay Shahaadada ay ku hawli geli lahaayeen ka heleen Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Uganada oo 3 bilood tijaabiyey Diyaaradaha ay Shirkadu ku hawl-geli doonto.

- Advertisement -

Shirkadda waxay xaqiijisay inay bishan August 28-da bilaabi doonaan Duullimaadyada Tooska ee ay ku tegi doonaan caasimadaha Somalia, Kenya, Tanzania iyo Koonfurta Suudaan.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa lagu muujiyey inay 3 Duullimaad Toddobaadkiiba ku imaan doonaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Shirkaddu waxay kaloo soo bandhigtay Kharajka Tikidhka Duullimaadka ee Muqdisho iyo Kampala, ee Sii-socoshadda iyo Soo-laabashadda  (Go and back ticket), kaasi oo dhan 590 Dollar oo u dhiganta 2.1 million ee shillinka Uganda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories