HomeWararSawirro:-Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

Sawirro:-Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka Ciidamada Booliska General Kaahiye ayaa Maanta waxaa Aas heer qaran ah loogu sameeyay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo u geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Aska Marxuum Eng.Yariisow ayaa […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka Ciidamada Booliska General Kaahiye ayaa Maanta waxaa Aas heer qaran ah loogu sameeyay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo u geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Aska Marxuum Eng.Yariisow ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxad ugu Sarreeya dowladda Soomaaliya,Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haaya dowladda iyo kuwo horey uga soo qabtay,qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo dadweyne farabadan.

- Advertisement -

Meydka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Maanta waxaa diyaarad qaas ah looga soo qaaday Magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qata,halkas oo markii hore loo geeyay Xaalad Caafimaad,kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii 24-kii Bishii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Dadkii ka soo qeyb galay Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa dhammaantood si wadajir Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo,sidoo kalena tacsi u diray Eheladii,qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories