HomeWararQabanqaabada Aaska Eng. Yariisow oo Saakay ka socota Magaalada Muqdisho

Qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow oo Saakay ka socota Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Allaha u naxariistee Meydka Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in laga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho,kadib markii shalay uu dib u dhac uu yimid keenistiisa. Guddiga qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow ayaa sheegay in Maanta 8:00 barqanimo Meydka la keeni doono Muqdisho,isla […]

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Meydka Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in laga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho,kadib markii shalay uu dib u dhac uu yimid keenistiisa.

Guddiga qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow ayaa sheegay in Maanta 8:00 barqanimo Meydka la keeni doono Muqdisho,isla markaana waxaa Caasimadda ka socda qaban qaabada Aaskiisa.

- Advertisement -

Madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doona Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qaraxii 24-ka Bishii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir xili uu socday Shir looga hadlayay amniga Caasimadda.

Shalay ayaa lagu waday in Aas qaran Magaalada Muqdisho loogu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow,hayeeshee dib u dhac uu ayaa ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddaii soo qaadi lahayd Meydka marxuumka.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka Magaalada,iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories