HomeWararMuhaajiriin ay Soomali ku jirto oo la qabtay

Muhaajiriin ay Soomali ku jirto oo la qabtay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay gacanta ku hdigeen Dooni ay la socdeen 75 Muhaajiriin, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga. Muhaajiriintan waxaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay, xilli ay doonidii ay ku safrayeen maraysay meel ka baxsan Badda Mediterranean Sea ee ka baxsan Xeebaha dalkaasi. Afhayeenka Ciiddanka […]

- Advertisement -

Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay gacanta ku hdigeen Dooni ay la socdeen 75 Muhaajiriin, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Muhaajiriintan waxaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay, xilli ay doonidii ay ku safrayeen maraysay meel ka baxsan Badda Mediterranean Sea ee ka baxsan Xeebaha dalkaasi.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Liibiya, Kolonel Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay Muhaajiriinta oo la socday dooni nooca cinjirka ama rabarka ka sameeysan lagu qabtay meel 110-KM ka baxsan Galbeedka xeebta caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in 75-ka Muhaajiriin ee la qabtay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Sudan, Algeria, Moroko iyo Bangaladesh.

- Advertisement -

Waxa uu xusay inay Muhaajiriin siiyeen Gargaar Aadmimo iyo Daryeel Daaweyn ah, ka hor inta aan lagu gudbinin Xaruna Muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla magaalladda Zawiya ee W/Galbeed ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Kooxda Samafalka dalka Spain ee Gacmaha Furan “Open Arms” ee taageeradda siiya Muhaajiriinta badda ku go’dooma waxay sheegeen inuu Markabkooda Badbaadada soo badbaadiyey 123 Muhaajiriin la socotay 2 dooni ka soo shiraacatay Liibiya oo ku go’doontay Badda Mediterranean Sea.

Open Arms waxay kaloo sheegtay inay Muhaajiriinta ay badbaadiyeen u raadinayaan Deked Ammaan ah oo ay ku dejiyaan.

Waddanka Liibiya waxa uu marin weyn u noqday Muhaajiriinta doonaysa inay dhanka Badda uga gudbaan Xeebaha Qaaradda Europe, iyado osafarkaasi yahay mid khatar xambaarsan.

Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM waxay sheegtay inay 840 Muhaajiriin ay sannadkan ku geeriyoodeen Badda Mediterranean Sea  ee ka baxsan Xeebaha dalka Liibiya.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories