HomeWararMeydka Eng.Yariisow oo laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho

Meydka Eng.Yariisow oo laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa laga soo  dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo laga keenay dalka Qatar. Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Guddiga qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow iyo boqolaal shacab ah,kuwaasi oo Meydka ku sugayay Garoonka diyaaradaha. Sidoo kale […]

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa laga soo  dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo laga keenay dalka Qatar.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Guddiga qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow iyo boqolaal shacab ah,kuwaasi oo Meydka ku sugayay Garoonka diyaaradaha.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre,Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda,isla markaana waxaa Garoonka lagula tukanayaa Salaada Janaasada Meydka  Guddoomiye Yariisow.

Aas heer qaran ah ayaa Magaalada Muqdisho loogu sameeyn doonaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacy Xarunta Gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories