HomeWararDib u dhac ku yimid waqtiga la qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta...

Dib u dhac ku yimid waqtiga la qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu waday in 5-ta Bishan uu ka furmayo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid. Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay jadwalkii furitaanka Shirweynaha,iyagoona sababta ku sheegay inay […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu waday in 5-ta Bishan uu ka furmayo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay jadwalkii furitaanka Shirweynaha,iyagoona sababta ku sheegay inay tahay maalmaha baroordiiqda loo asteeyey iyo munaasabadda maamlmaha Ciidul Adhxaa ee foodda nagu soo haysa.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga ayaa dhawaaqay in Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmi doono 17-da Bishan August ee 2019.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug la qaban doono 5-Bisha August oo maalinta Berri ku beegan,hayeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa taallo Gogosha Dib-u-heshiisiinta Galmudug,waxaana shirkaas dowladda Federaalka ay doneysnaa in lagu dhameeyo waxkasto oo cabasho ah oo ka dhex jira beelaha wada dega halkaas,isla markaana la dhiso Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories