HomeWararDaacish oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ka dhacay Boosaaso

Daacish oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ka dhacay Boosaaso

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ka dhacay Qarax Miino nooca ah lagu aaso ah,kaasi oo lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland. Shire Xaaji Faarax oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay xili uu […]

- Advertisement -

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ka dhacay Qarax Miino nooca ah lagu aaso ah,kaasi oo lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland.

Shire Xaaji Faarax oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay xili uu marayay laamiga weyn ee bartamaha Boosaaso,waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

- Advertisement -

Sidoo kale Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday qaraxaas Miinada ahaa,waxaana uu sheegay in lala eegtay xili uu safar ahaa.

Laamaha amniga Magaalada Boosaaso oo ka hadlay falkaas ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhaawacmay hal Askari,isla markaana la dhigay Isbitaal ku yaalla halkaas.

War qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta wararka u faafisa Ururka Daacish ee Amaq News Agency ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Boosaaso,iyadoo tilmaamay in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba askari oo kmaid ahaa Ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca qaraxyo kala duwan,kuwaasi oo sababa Khasaarooyin kale duwan,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab iyo Daacish.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories