HomeCaalamkaXuutiyiinta oo Duqeeyay Xero ku taalla Sacuudiga

Xuutiyiinta oo Duqeeyay Xero ku taalla Sacuudiga

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay inay Gantaal Balaastik ah saakayto ku duqeeyeen Xeradda Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin meel ku dhow Deegaanka Sukam ee Gobalka Najraan ee Koonfurta dalkaasi. Telefishinka waxa uu tilmaamay inay Gantaalka Badar F ku duqeeyeen Xeraddaasi, kuna dileen Tobaneeyo Ciiddan Sacuudiyaan iyo kuwo kale. Dowladda Sacuudiga […]

- Advertisement -

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay inay Gantaal Balaastik ah saakayto ku duqeeyeen Xeradda Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin meel ku dhow Deegaanka Sukam ee Gobalka Najraan ee Koonfurta dalkaasi.

Telefishinka waxa uu tilmaamay inay Gantaalka Badar F ku duqeeyeen Xeraddaasi, kuna dileen Tobaneeyo Ciiddan Sacuudiyaan iyo kuwo kale.

- Advertisement -

Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin sheegashadaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi.

Maleeshiyadad Xuutiyiinta waxay waayadan dambe Weeraro Gantaalo iyo Daroonis ah ka geysanayeen gudaha dalalka Yemen iyo Sacuudiga, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay ay Xuutiyiinta duqeyn la beegsadeen Xero Milliteri oo ku taalla magaalladda Cadan, halkaasi oo ugu yaraan 40 Askari lagu dilay.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories