HomeWararWafdi ka qeyb galaya Aaska Guddoomiyihii G/Banaadir oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka qeyb galaya Aaska Guddoomiyihii G/Banaadir oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,iyadoo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen u soo gaaray  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay tahay qeyb galka Aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,iyadoo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen u soo gaaray  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay tahay qeyb galka Aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa Tacsiyo ugu tagay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle Ehelkii iyo Qaraabadii Marxuumka ee Degan Magaalada Muqdisho, waxana Hoygiisa ugu Tacsiyadeeyey Ugaas Maxamuud Cabdulle,isagoo Alle uga bariyey in Janadiisa Fardowsa ka Waraabiyo Marxuumka.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) kasoo qeyb galka Aaska Qaran ee Guddoomiye Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories