HomeWararSawirro:-Ilhan Omar oo Booqasho ku tagtay Dal ka tirsan Qaaradda Afrika

Sawirro:-Ilhan Omar oo Booqasho ku tagtay Dal ka tirsan Qaaradda Afrika

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Ilhan Omar oo ah Somali-Maraykan ka tirsan Kongareeska dalkaasi iyo Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka, Nancy Pelosi waxay booqasho wadajir ah ku tageen caasimadda dalkaasi ee Akra. Waxay ka qeyb galeen Munaasabadii 400-sanno guuradii ka soo wareegtay markii qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah qaab Addoonsi ah loo geeyey Maraykanka. Dalka Gaana ayaa la sheegay inuu ahaa […]

- Advertisement -

Ilhan Omar oo ah Somali-Maraykan ka tirsan Kongareeska dalkaasi iyo Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka, Nancy Pelosi waxay booqasho wadajir ah ku tageen caasimadda dalkaasi ee Akra.

Waxay ka qeyb galeen Munaasabadii 400-sanno guuradii ka soo wareegtay markii qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah qaab Addoonsi ah loo geeyey Maraykanka.

- Advertisement -

Dalka Gaana ayaa la sheegay inuu ahaa dalkii ugu horreeyey ee dad Afrikaan oo qaab addoonsi ah  Maraakiib looga qaaday, lana geeyey dalka Maraykanka.

Haddaba Socdaalka Ilhan Omar  ku timid dal Afrikaan ah ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Madaxweyne Trump iyo Taageerayaashiisa ee caddowtooyadda ba’an u haya Ilhan Cumar ay bishii hore ku  baaqeen in iyada dib loogu celiyo dalka Somalia ee ay asal ahaan ka soo jeedo.

Ilhan Omar waxay barteeda Instagram-ka soo dhigtay Sawiradda socdaalkii ay iyada iyo Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka, Nancy Pelosi ku tegeen dalka Gaana iyo Kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Gaana, Nana Akufo Addo.

- Advertisement -

Waxay kaloo la kulantay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jerry John Rawlings

Ilhan Omar waxay ka mid tahay xubnaha Kudladda Madowga ee Kongareeska Maraykanka ee Afhayeenad Nancy Pelosi isku soo raacaan dalka  Ghana.

Ilhan Omar ayaa la sheegay iyadoo dhoola-caddaynaysa inay is-bartay Madaxweynaha Gaana, maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, iyadoo ay isla socdeen Afhayeenadda Aqalka Kongareeska Maraykanka.

Dhinaca kale, Ilhan Omar oo magaceeda rasmiga yahay Ilhan Abdullahi Omar waxay  bishii October 4-dii ee sannadkii 1982-kii ku dhalatay magaalladda Muqdisho.

Waa 37 jir ka mid ah Siyaasiyiinta Maraykanka, waxaana laga soo doortay Gobalka Minnesota oo ay u matasho Kongareeska dalkaasi.

Ilhan Omar waxay ka mid tahay Siyaasiyiinta madowga ah ee sida kulul u naqdiya Siyaasadda Madaxweyne Trump, waxayna hadalo kulul isku dhaafsadaan Baraha Bulshadda.

Madaxweyne Trump oo aan dulqaad iyo khibrad siyaasadeed lahayn waxa uu dhowr jeer u gefay Ilhan Omar, wuxuuna si aan fiirsasho lahayn ugu xad-gudbay iyada iyo gabdho kale oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo laf dhuub gashay ku noqday Siyaasadiisa Cunsuriga ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories