HomeWararQabanqaabada Aaska Eng. Yariisow oo ka socota Magaalada Muqdisho

Qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow oo ka socota Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka socota Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Aaska loo sameeynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar. Aaska Eng. Yariisow ayaa waxaa loo xilsaaray Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir,isla […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka socota Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Aaska loo sameeynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar.

Aaska Eng. Yariisow ayaa waxaa loo xilsaaray Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa Guddoomiye loo dhigay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

- Advertisement -

Guddiga ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo saacad kadib laga soo dejin doono Meydka Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo laga keenayo Magaalada Doxa.

Madaxda ugu Sarreeya dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa  ka qeyb geli doona Aaska Qaran ee loo sameeynayo Duqii Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusoo wajahan yahay Muqdisho,kadib markii muddo ku dhow Bil iyo bar uu ku sugnaa deegaanada Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka Magaalada,iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories