HomeWararAkhriso:-Isbedel lagu sameeyay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Akhriso:-Isbedel lagu sameeyay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da Bishan Agoosto 2019,waxaa uu Isbedal ku sameeyey Taliska Qaybta iyo Abaanduulaha Qaybta 21 ee Ciidanka Xooga dalka. Wareegto kasoo baxday Xafiiska kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da Bishan Agoosto 2019,waxaa uu Isbedal ku sameeyey Taliska Qaybta iyo Abaanduulaha Qaybta 21 ee Ciidanka Xooga dalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad iyo Abaanduulaha qeybtaas.

- Advertisement -

Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad ayaa waxaa la magacaabay inuu noqodo G/Sare Cabdicasiis Cabdi Qayre,sidoo kale Abaanduulaha Qaybta 21aad ayaa waxaa isna loo magacaabay inuu noqdo Dhamme Aadan Siyaad Cabdi.

Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaanti ayaa waxaa loo bedelay,isla markaana laga dhigay Taliyaha Ururka 38 aad ee Taliska Guud.

Dhinaca kale Taliyaha Danab Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Dhamme Muqtaar Cabdi Aadan.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Saraakiisha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay gutaan Waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories