HomeWararSawirro:- Amaanka Dhuusa-mareeb oo lagu wareejiyay Ciidamada Dowladda

Sawirro:- Amaanka Dhuusa-mareeb oo lagu wareejiyay Ciidamada Dowladda

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay.

Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay.

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba  oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga
Soomaaliya.

- Advertisement -

Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow,  oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb.

Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug laga isaga laga soo doortay.

Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories