HomeWararMaraykanka oo rumeysan inay dileen Wiil uu dhalay Usama Bin Ladin

Maraykanka oo rumeysan inay dileen Wiil uu dhalay Usama Bin Ladin

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Sarkaal Maraykan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay dileen Xamsa Usaama Bin Laadin, kaasi oo  horey madaxiisa loo dul-dhigay Abaal-marin Lacageed o odhan Hal million oo Dollar. Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahino kale bixiyo xilliga la dilay iyo halka lagu dilo Xamsa Usama Bin […]

- Advertisement -

Sarkaal Maraykan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay dileen Xamsa Usaama Bin Laadin, kaasi oo  horey madaxiisa loo dul-dhigay Abaal-marin Lacageed o odhan Hal million oo Dollar.

Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahino kale bixiyo xilliga la dilay iyo halka lagu dilo Xamsa Usama Bin Ladin.

- Advertisement -

Madaxweyne Trump oo shalay wax laga weydiiyey arrintaasi waa uu ka gaabsaday, kadib, markii uu Telefishinka NBC News markii ugu horreysay baahiyey arrintaasi.

Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inay Maraykanka door ku lahaayeen hawlgalka horseeday in Xamsa Usama Bin Ladin la dilay labadii sanno ee la soo dhaafay.

Xamsa Bin Ladin oo da’da lagu qiyaasay 30-jir waxa uu horey ugu baaqay in la beegsado Ciiddanka Maraykanka ee dibedaha joogo, isagoo dhanka kale ugu baaqay Kooxaha Qabaa’illadda Sacuudiga inay la midoobaan Al-qaacidada Yemen si ay ula dagaalamaan Dowladda Sacuudiga.

- Advertisement -

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Dowladda Sacuudiga waxay shacaisay inay Xamsa Bin Ladin kala laabteen dhalashadiisa, kadib, Amar Boqortooyadda ka soo baxay bishii November ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, Usama Bin Ladin oo ahaa Asaasihii Ururka Alqaacida waxa lagu dilay magaalladda Abotabad ee dalka Pakistan bishii May 3-dii ee sannadkii 2011-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories