HomeWararMaraykanka oo mar kale ka digay Weeraro Argagixiso oo ka dhici...

Maraykanka oo mar kale ka digay Weeraro Argagixiso oo ka dhici kara Ismaamulka Soomaalida Ethiopia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalladda Addis Abeba waxay soo saartay Digniino dhanka Ammaanka ah, waxaana dadka Maraykanka looga digay inaysan u socdaalin qeybo ka mid ah dalka Ethiopia. Qoraalka waxaa lagu sheegay in Heerka Ammaanka ee qeybo ka mid ah Ethiopia uu yahay Heerka 2-aad, waxaana Muwaadiniinta Maraykanka ee ku  sugan dalkaasi lagu booriyey  inay […]

- Advertisement -

Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalladda Addis Abeba waxay soo saartay Digniino dhanka Ammaanka ah, waxaana dadka Maraykanka looga digay inaysan u socdaalin qeybo ka mid ah dalka Ethiopia.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Heerka Ammaanka ee qeybo ka mid ah Ethiopia uu yahay Heerka 2-aad, waxaana Muwaadiniinta Maraykanka ee ku  sugan dalkaasi lagu booriyey  inay feejignaadaan dheeraad ah muujiyaan.

- Advertisement -

Safaaradda waxay kaloo  ka digtay inay Muwaadiniintooda u socdaalaan qeybo ka mid ah dalkaasi iyo inay Gobalka Soomaalida kala kulmi karaan khatar Colaadeed, Argagixiso, Afduub iyo miinooyinka dhulka lagu aasay, waa sida hadalka loo dhigay.

Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Addis Abeba waxaa kaloo lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay weeraro Argagixiso iyo Afduub ka dhacaan Gobaladda Ismaamulka Soomaalida ee Bariga Ethiopia.

Waxaa kaloo lagu sheegay Qoraalka inay dhici karto Hawlgalo Milliteri oo ay soo qaadaan Kooxaha Hubeysan ee ku sugan Gobalka Ogaadeeniya iyo Deegaanka Harargey.

- Advertisement -

Waxaa kaloo laga digay weeraro Argagixiso oo ka dhici kara Koonfurta Ethiopia, Galbeedka Gobalka Oromiya iyo Deegaanadda la deriska ah ee ay deggaan Qowmiyadaha Benishangul iyo Oromadda.

Dhanka kale, Madaxda Is-maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa u muuqanin inay ku faraxsan yihiin Digniinta dhanka socdaalka ee ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories