HomeWararMadaxda Sare ee Dalka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii G/Banaadir

Madaxda Sare ee Dalka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii G/Banaadir

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxda sare ee dalka ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheakh C/raxmaan ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Gudoomiyaha G/Banaadir ahaana Duqii […]

- Advertisement -

Madaxda sare ee dalka ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheakh C/raxmaan ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Gudoomiyaha G/Banaadir ahaana Duqii Caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Allaah u weydiiyay marxuumka in uu ugu deeqo naxariistiisa balaaran.

Ra-iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka waxa uuna alle uga baryay in ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

Ra-iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhambaalkiisa tacsida ah sidoo kale la wadaagay Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Duqii Caasimada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa isna si lamida madaxda kale qaranka uga tacsiyeeyay geerida Gudoomiyaha.

Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana  Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow”

“Tacsi: Aniga oo ku hadalaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada  Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga  tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar.

Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Benaadir ahaana duqii Caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa ka mid ahaa madaxdii ku dhaawacmay qaraxii 24-kii bishii Luuliya ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories