HomeWararKalluumeysato u dhalatay Kenya oo lagu haystay Somalia oo la sii daayey

Kalluumeysato u dhalatay Kenya oo lagu haystay Somalia oo la sii daayey

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kalluumeystadaasi oo tiradooda dhamayd 13 qof ayaa la sheegay in lagu haystay gudaha Somalia ayaa shalay dib ugu laabtay dalkooda, kadib, markii ay Dowladaha Somalia iyo Kenya ka galeen Wada-xaajood sii-dayntooda. Mid ka mid ah Kalluumeysatada oo shalay gaaray Dekedda magaalladda Mombasa waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inay khibrad adag ka soo qaateen muddadii ay […]

- Advertisement -

Kalluumeystadaasi oo tiradooda dhamayd 13 qof ayaa la sheegay in lagu haystay gudaha Somalia ayaa shalay dib ugu laabtay dalkooda, kadib, markii ay Dowladaha Somalia iyo Kenya ka galeen Wada-xaajood sii-dayntooda.

Mid ka mid ah Kalluumeysatada oo shalay gaaray Dekedda magaalladda Mombasa waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inay khibrad adag ka soo qaateen muddadii ay joogeen Somalia, isla markaana aysan dib ugu soo laaban doonin Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Kalluumeysatada oo lagu magacaabo Mitau Makau oo Suxufiyiinta shalay kula hadlay Dekedda magaalladda Mombasa waxa uu sheegay inay khibrad adag ka soo qaateen muddadii ay joogeen Somalia, isla markaana aysan dib ugu soo laaban doonin Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay  bishii April ee sannadkan ay saxiixeen Qandaraas 2 sanno ah si ay uga shaqeeyaan Markab Kalluumeysi oo dalka Thailand laga lahaa, balse, markii dambe Markabkaasi laga dhigay Markab ay Soomaali leedahay.

Mitau Makau waxa uu tilmaamay inay muddo 4 bilood shaqwynayeen Mushaar la’aan, iyagoo ka mid ahaa 50 Shaqaale oo ay shaqaale Soomaali ah ka mid ahaayeen.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu xusay inuu Mas’uulkii ay u shaqeynayeen uu qori u soo qaatay, isla markaana uu ugu hanjabay inuu wada dilayo, haddii ay wax Mushaar ah weydiistaan, waa sida uu hadalka u dhigay, mana jiraan warar xaqiijinaya arrintaasi.

Kalluumeystada Kenyanka ee shalay dib ugu laabtay dalkooda ayaa la sheegay inay la socdeen Markab Kalluumeysi oo ka hawl-geli jirey Badda Goballadda xeebleyda ee hoosta taga Maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland iyo Shirkadda leh Markabka la eedeeyey wax hadal ah kama soo sarain Sheegashadda Kalluumeysatadaas u dhalatay Kenya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories